Wasiirka Maaliyadda Somaliya oo la kulmay xubno ka tirsan Bankiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socda Bankiga Adduunka, Shirkan oo looga hadlayay sidii loo caawin lahaa Dadka ay Biyo la’aantu saameysay ee Gobollada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Barroow iyo iyo Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka C/llaahi Xaamud Maxamed.
Bankiga Adduunka ayaa Soomaaliya ka caawiya Mashaariic badan oo la xiriirta dhinaca Bini’aaddannimada, wuxuuna sidoo kale kaalin mug leh kaga jiraa kabka Miisaaniyadda Soomaaliya.

Warkii Warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.