Maqal iyo Muuqaal:Qiyaamada Gaas iyo Axmed Madoobe oo looga digay Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfurgalbeed

gaas

Madaxda iyo shacabka Maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee Hirshabeele Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga digay qiyaamada iyo qalalaasaha ay la damacsan yihiin Madaxwaynaha Puntland Gaas iyo madxawyanaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi maxamed Warsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu Talo iyo diginin u diray Bulshada iyo Maamul goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo koonfur Galbeed inay dantooda gartaan oo iskaga haraan Gaas iyo Axmed Madoobe.

Musharaxa Deeq Faandhe ayaa waxuu sheegay in Axmed Madoobe 5 sano Shan Kilomitir dhaafi waayey Tacdiyo Badana ugasteen dadkiisa uusan rabin in soomaliya wanaag yeelato Maamul goboleedyada kalana inay Baaba’aan kashaqeynaya.

Waxaa kaloo sheegay Musharax Deeq Faandhe in Cabdi wali Gaas Deegaankiisii Hormarsatay oo wadooyinkii laamiyo lasaaray kuwana ku socdaan waxuuna Kula talinyaa Hirshabeele, koonfur galbeed iyo Galmudug in la fowdeeyo Dowlada.

Ugu Dambayntii Musharaxa Deeq Faandhe ayaa waxuu ugu baaqay Hirshabeele, koonfur galbeed iyo Galmudug inay dantooda gartaan oo horumarka deegaanadooda ka shaqeeyaan iskagana haraan Gaas iyo Axmed Madoobe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.