Xildhibaanadii Shiiq shaakir ee Digrinaayey oo sheegay inay xilak kaqaadeen gudoomiyaha Barlamanka Galmudug

Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay xildhibaanada shiiq Shaakir kuwaas oo sheegay inay ka doodeen mooshin ay sheegeen inay ka keeneen guddoomiyaha Baarlaamanka Galmudug.

Xildhibaanada Shiiq Shaakir oo ubadan Askartii Ahlusuna ayaa Waxay sheegeen in kulankii Maanta ay soo xaadireen 147 xildhibaan 146 ka mid ah ay ogolaadeen in codka kalsoonida lagala noqdo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmuidug.

Magaalada Cadaado ee xarunta Barlamanka Galmudug ayaa waxaa isku aruursanaya Xildhibanada Galmudug kuwaas oo lafilaya inay jawaab ka bixiyaan go’aanka kasoo baxay Xildhibaanada Shiiq Shaakir, Dhanka Kale wax hadala oo kasoo baxay gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir Majiraan.

Waxii kasoo kordha wararkeena dambe kala soco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.