Madaxwaynaha Soomaliya oo u ambabaxay Addis Abbaba

farmajo

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow ka anbabaxay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya.

Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD ayaa lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Addis Ababa, kaasi oo looga hadli doono xaalada dalka Eriteria iyo sidii uu mar kale xubin uga noqon lahaa Urur gobaleedka IGAD.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii Madaxda wadamada Somaliya, Itoobiya iyo Eriteria heshiis iskaashi ay ku kala saxiixdeen magaalada Asmara.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheer ku bixisay sidii loo dhamayn lahaa colaada mudada dheer u dhaxaysay wadamada dariska ah ee Jabuuti iyo Eriteria, iyadoo shalay lagu guulaystay in dib loo furo xadka labada dal oo xirnaa mudo 20-sano ah.

Warbixinti warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.