Dhageyso:Telefishinka Galmudug oo loodiiday Madaxda Galmudug ka Hadlaan, Mahad salaad loo ogaaladay

Telefishinka Galmudug ayaa ah Telefishin cusub kaas oo bulshada Soomaliyeed dal iyo diba soo dhaweeyeen markii uu hawada soo galay, waxaana loo sheegay shacabka Galmudug inuu danahooda ka shaqeynayo si daacadnimo ku jirto.

Telefishinka Galmudug ayaa waxaa hada isu badalay mid dad gaara lee yihiin oo danahooda Gaarka u isticmaalayaan waxaan Arrintaas ka hadlay Siyaasi Deeq Faandhe waxaa una sheegay inay tahay wax laga xumaado in Madaxda Galmudug sida Gudoomiyaha Barlamaanka Gacal Casayr iyo Madaxwayne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo ka horyimid go’aankii ksoo baxay shirkii Madaxda Maamul goboleedyada ugu soo gabab gaboobay Magalaada Kismaayo in maamulka GalmudugTv  diideen inay tabiyaan hadaladooda ka soo horjeeday Madaxda Maamul goboleedyada Go’aankoodkii ay kasoo sareen shirkooda.

Dhanka Kale Deeq Faandhe ayaa sheegay GalmudugTv waxaa uu tabiyey qoraakii Xildhibaan Mahad salaad oo katirsan barlamanka Soomaliya uu ku dhaliilayey Furitaankii Barlamaanka Soomaliya, waana wax laga xumaado in madaxdii Galmudug laga Hor istaago Telefihinkii Magaca Galmudug ku hadlaayey.

Ugu Dambayntii Siyaasi Deeq Faandhe ayaa waxuu shacabka iyo Madaxda Galmudug ugu baaqay inay ka tashadaan GalmudgTv haduusan raali galin kabixin qaladkay Galeen.


mahad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.