Dhageyso:Booliska Soomaliya oo qaarijiyey Kaaba Laadarkii kooxda argagixisada Shabab Dilalka uqaabilasanaa

booliis

Ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa Howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir waxay ku dileen Horjooge Sayid Abuukareey oo ka tirsanaa Argagaxisada Alshabaab, iyagoo sidoo kale dhaawacay sedex ka mid ah Maleeshiyadii la socotay oo gacanta lagu dhigay.

Abuuker Xasan Caddde oo magaca Maleeshiyada Al shabaab u yaqaaneen uu ahaa Sayid Abuukareey ayaa Argagaxisada u qaabilsanaa amniyaadka qeybta bari ee gobalka Banaadir, wuxuuna si gaara uga howlgali jiray Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, iyadoo tan iyo sanadkii 2015 uu sedex jeer ka baxsaday Ciidammada Amniga oo baadi goobayay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo Warbaahinta u sharaxay sida uu u dhacay Howlgalka ay fuliyeen Ciidanka Booliska gaar ahaan Qeybta Guud ee Gobalka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.