Cabdi Cumar oo Xabsiga Lagu Jirdilay

ilay

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa waxaa la sheegay in lagu jir dilay xabsi ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Deeb Mahad Colow oo ah hooyada dhashay madaxweynihii hore ee DDSI ayaa Waxa ay sheegtay falkan ay la kulantay xilli iyada iyo xaaska Cabdi Maxamuud ay raashiin geeyeen xabsiga uu ku jiray madaxweynihii hore DDSI, iyadoona ay aragtay wiilkeeda oo Sideed nin ay garaacayeen.

Hooyada dhashay Cabdi Cumar ayaa waxay ku baaqday in si deg dega ah arimaha jirdilka ah wax laga qabto.

Dhawaan ayay aheyd markii Cabdi Maxamuud Cumar 27-kii August ee sanadkan lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa, Xili gurigiisa ay ka soo ka xeeysteen ciidanka Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.