Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay janaasada askari ku shahiiday howlgallada ciidanka ee ka socda Shabeelada Hoose

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay janaasada Alle ha u naxariistee Cabdullaahi Macalin Ibraahim, Marxuumka ayaa ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxa uuna ku shahiiday howlgal ciidanku ay ka fuliyeen degaanno ka tirsan degmada Marka ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey shahiidkan in uu abaalkiisa ka yeelo jannada, qoyskiisa, iyo Dowladda Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku booqday hooygooda magaalada Muqdisho, waalidiinta uu ka tagay Alle ha u naxariistee shahiid Cabdullaahi Macalin Ibraahim.
farmajo

farmajo

farmajo

farm

farmajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.