Ra’iisul Wasaare Khayre oo soo gaba gabeyey la xisaabtanka sanadlaha ah ee Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta soo gaba gabeeyey wajiga labaad ee Barnaamijka uu kula xisaabtayey xubnaha Golaha Wasiirada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha Wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.

Wasiiradda maanta Ra’iisul Wasare Khayre uu shaqsi shaqsiga ula xisabtamay ayaa kala ah, wasiirKa Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshadda, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Amniga, iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha , isagoo Wasiir kasta oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo Wasiirada ku cusub Xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorshe hawleedkooda.
Wasiirrada ayaa Ra’iisul Wasaaraha usoo bandhigay waxyabaha u qabsoomay iyo qorshe hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsoomay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.