Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shacabka u diray hambalyo ku aaddan Ciidda Carafo

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa guud Umadda Muslimka ah gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabada Ciidul-Adxa.

“Waxaan guud Umadda muslimiinta ah meel walba oo ay joogaan gaar ahaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynaa Munaasabada Ciidul-Adxa, waxaana u rajeynaa in ciidaan teeda kale ay ku gaaraan bash bash iyo barwaaqo iyo sidoo kale horumar intaan kasii badan oo dowladnimo” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dhexdooda ay is caawiyaan oo ay gargaaraan midkooda liita sidoo kalena ay ka shaqeeyaan horumarka Dowladnimadeena.
.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.