Ciidamada Amniga oo xabsiga dhigay shaqsi sheegtay Taliyaha NISA ee Jubbaland.

xabsi

Ciidanka Amniga ayaa caawa xabsiga dhigay shaqsi sheegtay in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Qaranka ee NISA uu u magacaabay Qeybta Jubbaland.

Warkan ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in shaqsigan uu watay warqado been abuur ah, Islamarkaana ay Ciidanka amniga gacanta ku soo dhigeen xabsigana loo taxaabay.

“Shaqsi sheegtay inuu Taliyaha NISA u magacaabay qeybta Jubbaland oo watay warqado been abuur ah ayaa ciidanka amniga caawa fiidkii soo qabtay. Ciidanka amniga wuxuu u taaganyahay ilaalinta kala danbaynta”.ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Taliska NISA.

Shaqsigan ayaa dhawaan Sheegtay in loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbaland, iyadoo Dowlad Goboleedka Jubbaland ay ka soo celiyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maalulkaasi.

Xigasho Warbaahinta Qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.