Xaaladda Marka oo Xadiloon iyo Ciidanka dowladda oo howlgal wada

canood

Magaalada Marka oo xarunta Gobolka Shabeellaha hoose waxaa uu xalay kulan ku dhexmaray Abaanduulaha xilka ka sii degaya ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jen. Cabdullahi Cali Caanood iyo Maamulka Magaalada Marka.

Labada dhinaca ayaa ka wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa amniga Maamulka Magaaladana uu shaqadiisa dib ugu billaabi lahaa.

Guddoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa sheegay in kulanka dhexmaray labada dhinaca la isku afgartay in Ciidamada dowladda ee la wareegay Magaalada ay sii joogaan.

Waxaa kale oo uu sheegay in dowladda dhexe ay ka codsadeen in Ciidamada Nabad Sugidda iyo Booliska la geeyo Magaalada si maamulka uu dib ugu billaabo shaqooyinkiisii caadiga ahaa.

Dhina Jen.Caanood waxaa uu Malleeshiyo Beeleedyada ku amray in qolo kasta ay joogto halka ay hadda ku sugan tahay oo aysan sameyn dhaq dhaqaaq colaadeed hor leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.