Waqtiga rasmiga ah uu furmayo Barlamanka Somaliya oo lashaaciyey

mursal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah uu furmi doono kalafadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka.

War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS,ayaa lagu sheegay in kalafadhiga 4-aad ee Golaha shacabka uu furmi doono 10-ka bisha September ee bisha soo socota,sidaasi daraateedna looga baahan yahay in Xildhibaanada Golaha Shacabka dalka ku soo laabtaan ugu danbeyn 5-ta bisha September ee sanadkaan.

“Sida aad la socoto furitaanka kalafadhiga 4-aad, ee Golaha shacabka waxaa loo qorsheeyay in la furo 10-ka September 2018-ka,sidaasi daraateed waxaa dhammaan Xildhibaanada Golaha shacabka laga codsanayaa iney dalka soo galaan ugu danbeyn 5-ta September 2018,diyaarna u noqdaan xil-gudashada uga beegan kalafadhiga 4-aad ee Golaha shacabka,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.