Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Kala Diray Golihii Deegaanka Degmada Badhan.

gaas

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 19 August 2018 ku kula diray Golaha Deegaanka Degmada Badhan, kadib markii lagu soo eedeeyey inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.
Xeer Madaxweyne Lr. 105 August 19, 2018, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.
Madaxweynaha Dowladda Puntland.
Markuu arkay: Tala soo jeedinta Wasaarada Arimaha Gudaha, Dowladaha Hoose Iyo Hirumarinta Reer Miyiga.
Markay Caddaatay: In ay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.
Waxuu Xeeriyey:
1. Waxaa la kala diray Golaha Deegaanka Degmada Badhan.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.