Ra’iisul Wasaare Khayre oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Hoggaanka Baarista Danbiyad

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay xarigga ka jaray Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) oo dib u dayactir xooggan lagu sameeyay laguna soo kordhiyay qalab casri ah oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga iyo ka hor tagga danbiyada abaabulan.

Munaasabadda uu Ra’iisul Wasaaruhu ku daah-furay xarunta hoggaanka baarista Danbiyada (CID) oo lagu qabtay gudaha xarunta ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Wasiirka Amniga, taliyaha booliiska Soomaaliyeed, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, ku-simaha taliyada hoggaanka baarista danbiyada iyo saraakiil kale.

Xarunta hoggaanka baarista danbiyada (CID) ayaa lagu dhisay barnaamijka Is-xilqaan ee uu iclaamiyay Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, kaas oo fududaynaya in bulshadu ay dhisato xarumaha muhiimka u ah horumarka dalka, iyada oo dhammaan masu’uuliyiinta kasoo qayb gashay munaasabadda daah-furka ay soo dhaweeyeen in xaruntu ay noqotay xaruntii ugu horeysay ee lagu dhiso Barnaamijka Is-xilqaan.

Xarunta hoggaanka baarista danbiyada waxaa sidoo kale lagu soo kordhiyay qalab casri ah loo adeegsado ka hor tagga qaraxyada iyo fal denbiyeedyada abaabulan kaas oo fududaynaya shaqada hoggaanka baaristu uu uga qayb qaadanayo adkaynta amniga dalka.

Hoggaanka baarista danbiyada oo kamid ah hoggaannada ugu muhiimsan sugidda amniga dalka, ayaa ka masuul ah dhammaan qorshayaasha baaritaanka guud oo ay kamid yihiin kiiska gacan ku dhiiglayaasha iyo qiyaanada qaran, waxaana dib u dayactirka xaruntaan iyo qalabanteeduba ay qayb ka yihiin qorshayaasha lagu hagaajinayo hannaanka sugidda amniga dalka si mawaadiniinta Soomaaliyeed ay u helaan nabad buuxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.