Muuqaal:Ra’iisal wasaare Kheyre oo maalintii 2-aad wada la xisaabtanka sannadlaha ah ee Wasiirada

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maalint 2-aad wada la xisaabtanka wasiirrada ee sannadlaha ah si loo qiimeeyo hawlaha wasaaradaha uga hir-galay qorshayaashii u degsanaa ee ay ahayd in ay fuliyaan.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa shaqsi shaqsi ula fariistay wasiirrada , kala ah Wasiirka Gashaandhigga ,Wasiirka Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Wasiirka Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasiirka Howlaha guud Guryeynta , Wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta dhaqalahaha iyo Wasiirka Caaladda , waxana Wasiir waliba oo kamid ah lasoo hor-dhigay qorshayaashii lagu ballamay in uu fuliyo, iyada oo wasiirrada ku cusub xukuummadda uu Ra’iisul Wasaaruhu kala hadlay diyaarinta qorsha hawleedkooda.
Wasiirrada soo gudbiyay qorshayaashii ay ku guulaysteen ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre waxa ay u gudbinayaan qorsha hawleedkooda oo qoran si isla xisaabtanka sannadka xiga loogu qiimeeyo wixii uga qabsoomay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.