Dhageyso:Jeneraal Caanood iyo Ciidan uu wata Ayaa lawareegay Marka waxayna uga sii Gudbayaan Jubbaland

caanood

Ciidamada Xooga dalka Soomaliyeed oo wata Gadiid dagaal oo aad badan ayaa Saaka waxay Lawareegeen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, Ciidamadaan oo aad u tira badan waxaa loogu talagalay inay isu furaan Deegaanka Udhaxeeya Marka iyo Jilib.

Ciidaankaa kusii Jiida Deeganada Jubbaland waxaa Wata Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaliya Janeraal Cabdullaahi Cali Caanood , Ciidamadaan ayaa shalay waxa ay gaareen degmada Shalaalbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyaga oo xalay halkaasi ku hoyday isla markaana saakey ay galeen degmada Marka.

Genenaar Cabdullaahi Cali Caanood ayaa waxaa lagu wadaa markii uu howlgal hore loo qorsheeyey oo ka dhan ah ururka Al-Shabaab uu soo gaba gabeeyo inuu Xilka wareejin-doono.

Ciidamadaan lawareegay Gacan kuhaynta Degmada Marka ayaa waxay qayb ka yihiin Qorshaha Dowlada soomaliya ay wado taas uu ay rabto inay Shabab laga sifeeyo wadada isku xirta Kismaayo ilaa Magaalao Madaxda Soomaliya ee Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.