Akhriso:Dhaqdhaqaayo Ciidan ayaa laga dareemayaa Magaalada Kismaayo

Ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe oo Argagax galiyey Shacabka ku dhaqan Kismaayo ayaa ilaa maanta caawa dhex huleelayey Gudaha Magaalada Kismaayo, Ciidamo ka tirsan kuwa Faderalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in siyaabo kala duwan looga qaatay qoryaha kadib dhaq-dhaqaaqaan Ciidan ee ay samaynayaan Ciidanka Axmed Madoobe ee Jubaland ‘ inta la hubo cadadka qoryaha Ciidamada Dowlada Faderalka Soomaaliya laga qaatay ilaa maanta iyo Caawa ayaa kor u Dhaafayso 55Qori walina ay socoto baacsiga qoryaha looga qaadanayo Ciidamada Dowlada Soomaaliya ee aan taagta ku lahayn Magaalada kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Qeybtooda 43aad ee Jubbooyinka oo qariyey Magacooda ayaa sheegay in ay socoto hubka qaadista Ciidamada Xoogga Dalka ayna socon doonto ilaa dhamaan ciidanka laga dhigayo qoryaha’ Waxay walaac ka muujiyeen saamaynta ay ku yeelanayso Ciidamada Xoogga ee ku sugan Furinta Dagaalka ay kula jiraan Ururka Alshabab.

Waxaa jirto qorsho Axmed Madoobe iyo Ciidankiisuba ay ku damacsan yihiin sidii ay u suulin lahaayeen Ciidan sheegto Faderal taasina ay soo dadajisay hubka aruurinta Ciidamada Qaranka ee aan itaalka fiican ku lahayn Magaalada kismaayo.

Cilaaqaadka Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubaland ayaa Xumaaday ka dib qilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay labada dhinac taas oo sababtay in mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Qeybtooda 43aad oo ay soo magacaabatay Dowlada dhexe loo diiday inay galaan Magaalada Kismaayo islamarkaana dib loogu soo celiyey Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale Magaalada kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay si xowli ah u bilaabatay dhoofinta dhuxusha iyadoo maamulka jubaland uu ka faa’iidaysanayo baacsiga ay ku hayaan Ciidanka Qaranka ee ku sugan Magalada kismaayo.

Hadal haynta ugu badan ee ka taagan Kismaayo ayaa ah in Maamulka Axmed Madoobe ay ka cabsi qabaan in Dowlada Soomaaliya ay doomo Ciidamo sido dulgeeyeen Magaalada Kismaayo…….

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.