Daawo:Musharaxa Madaxwaynaha Jubaland oo Baaq udiray beesha Ogaadeen Axmed Madoobana waa qayrumasuul

madoobe

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam axmed oo mudo dalka dibadiisa ku maqanaa ayaa waxuu kusoo noqday Magaalada Kismaayo halkaas oo war saxaafadeed ku qabatay uu ku eedeynayo Dowlada federaalka Soomaliya isagoo aan soo hadal qaadin Shacabkii Ciidamada Kenya dil, kufsi iyo burburin hatni ay ka gaysteen deegaanada jubbaland.
Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi M warsame “Deeqa Faandhe” ayaa waxuu madaxwayanha Jubbaland axmed madoobe ku tilmaamyey Khayri Masuul asagoo aan ka hadlin shacabkii Jubbaland ay Ciidamada kenya dilka, Kufsiga iyo burburinta Hantidooda ugu gaysteen deegaanka jubbaland.

Musharaxa Madaxwaynha jubbaland waxaa kaloo baaq udiray Beesha Ogaadeen isagoo ugu baaqay inay Noqdaan Hogaanka jubbaland ee aysan Noqon dad axmed Madoobe usheego in hab qabiil loogu soo duulayo xukunkana in xukunka laga tuurona larabo.

Musharaxa Deeq faandhe ayaa waxuu dowlada Cambaareeyey dowlada Kenya dilalaka iyo Barakicinta ay kwadaan deegaanada Jubbaland waxuuna dowlada Soomaliyeed ugu baaqay inay Ciidamo udirto Xuduudaha Soomaliya si looga hortago dhibka Ciidamada Kenya ku hayaan Shacabka Soomaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.