Sawiro:Wafuud ka qayb Galaysa Furitaanka Maktabada Garbahaaray ayaa Magaalada Garbahaaray

garbo

Magaalada Garbaaharay ee Gobolka Gedo waxaa Gaaray Wafti Balaaran oo isugu Jira Aqoon yahano, Qoraa, Abwaano, Suxifiyiin iyo Marti Sharaf kale, waftigaan ayaa waxay ujeedka ay utageen Magaalada Garbaaray tahay sidii ay uga qayb gali lahaayeen \Furitaanka Maktabada Guud ee Magaalada Garbaaharay ee gobolka Gedo.

Wafuudaan markii ay kasoo dageen Magaalada Garbahaaray waxaa garoonka diyaaradaha Degmada Bardheere kusoo dhaweeyey Maamulka iyo Bulshada Magaalada Garbaaharay, Kadibna waxa loo galbiyey goobihii loogu talagalay.

Maamulka iyo Madaxda Maktabada Garbahaaray ayaa waxay uga Mahadceliyeen Maamulak iyo shacabka Garbaaharay sida wanagsan ee ay usoo dhaweeyeen wafuuda ka qayb galaysa Furitaanka Maktabada Garbahaaray ee Gobolka Gedo.

garbo
garbo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.