Gudoomiye Yariisoow oo ka qeyb galay xafladii 20 sana guurada Jaamacadda Muqdisho

yariisow

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayey sanad-guurada 20-aad ee ka soo wareegtay asaaskii Jaamacadda Muqdisho ayaa ku boogaadiyey dadaallada ay ku bixiyeen aqoonyahannada Soomaaliyeed badbaadinta mustaqbalka da’yarta iyo hirgelinta fursadaha waxbarasho ee dalka.

Guddoomiyaha ayaa dul istaagay dhabar adayggii iyo hal abuurkii bahda waxbarashadu ay ku samata bixiyeen waxbarashada dalka wakhtiyadii burburka, isagoona sheegay in dhammaan hawlwadeennadii wakhtigooda iyo maalkoodaba u horay barbaarinta iyo kobcinta aqoonta jiilasha maanta ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka shacabka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.