Ciidamada Itoobiya iyo Oromada ayaa waxay xasuuq ugaysteen dad kabadan 1000 Qof oo Soomali ah

abiy axmed

Ciidamada Kala Duwan ee dalka Itoobiya oo kashanaya Maleeshiyaad ka tirsan qowmiyada Oromada ayaa waxaa Xasuuq ugaysteen dad kabadan 1000 qof waxayna Barakiciyeen kudhawaad 3000 qoys waxayna dhac ugaysteen Xoolo lagu qiyaasay 5000 oo Neef oo isugu jira Geel, Ari iyo Lo.

Deegaanada Xasuuqa ka gaysteen Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyada Oromada ayaa ah laga bilaabo Mooyaale, Nagayle, Jigjiga ilaa Dirir dhabe iyo inta Magaalo iyo tuulo ku hareeraysan oo ah deegaan aad ubalaaraan, deeganakaan ayaa ka bilowda Xududa Kenya la lee dahay Itoobiya ilaa lagu Tago xuduuda Itoobiay la leedahay Dalka Jabuuti.

Dagaalkaan lagu laynayo Shacabka Soomaliyeed ee Dagan deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa ah sidii Shacabka Soomaliyeed dhulkooda loo qaadan lahaa looguna wareejin lahaa Qowmiyada Oromada oo ah dad aad utiro Badan ahna Faqri taas oo shacabka Soomaliyeed aysan ku baraarug sanayn.

Waxaa Kaloo Ra’iisalwasaraha Itoobiya Abiy Axmed Balan qaaday inuu Baabiyo Ciidanka Deegaan ismaamulka Soomalida Itoobiya si ay shacabka Oromada Awood ugu yeeshaan inay Boobaan Deeganka iyo shacabka Soomalyeed waana qorshe dheer oo Soomalida lagu barakicinaayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.