Askar dhac ugaysatay Shirkada Hormuud oo layskugu daray Xukun iyo in Ciidamadoo Laga saaray

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqday dacwada xukun ciqaabeedkii loo heystay eedeysanayasha kala ah Dable Xoogga C/kariim Muuse Muxudiin 22-jira,dable Xoogga Aweys Faarax Maxamuud 21 –jir ah iyo Maxamuud Cali Maxamed oo maqane ah.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa eedeysanayaasha waxay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ciidan ah iyo iney bixiyaan dhammaan lacagihii ay ka dhaceen Labada Xarumood ee Shirkadda Hormuud ee dhaca u geysteen,iyadoona Maxkamadda ay la wareegtay Hubkii ay dhaca ku geysteen, waxana laga saaray ka mid ahaanshihoodii Ciidamada Xoogga dalka, waxaana Xukunka ku dhawaaqay Guddoomiyaha Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.