Labo Nin oo Oromo ayaa Lagu dilay Magaalada Boosaaso

oromo

Magalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga maamul Goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxa Maanta Xaafado ka tirsan Magaaladaas laga helay meydadka labada Nin oo u dhashay qowmiyada Oromada.
Dad ku dhaqan boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in meydadka dadkaas laga soo helay Meel u dhow Masjidul Faadumo ee laamiga bartaha isagoo qoortu jaban tahay, halka midka kalana laga helay Goob ay joogaan dad tahriibiya.

Labadaan nin ee Oromada ayaa Maydkooda lageeyey Isbitaalka Magaalada Boosaaso, Laamaha Aniga ee Maamulka Puntland wali kama hadlin dhimashada Labadaan iyo cidii ka dambaysay Dilkooda, Dhawaan bay ahayd Markii Maamulka gobolka Bari uu soo saaray diginin looga digayo shacabka Puntaland in ay dhibaateeyaan dadka ku dhex nool gaar ahaan kuwa u dhashay qowmiyada Oromada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.