Dhageyso:Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland oo Axmed Madoobe ku eedeyey inuu ka masuul yahay Dagaalka kasocda Duleedka Kismaayo

madoobe

Galbeedka Magaalada Kismaayo waxaa Todobaad kudhawaad kasocda dagaal lagu hoobtay kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo barakicin Daagalkaan ayaa waxuu udhaxeeyaa labo beelood oo kamida beelaha daga jubbaland, Deegaanka dagaalka Kasocdo ayaa ah Tuulooyinka Dalsan iyo laheley oo qiyaas ahaan 30Km ujira Magaalada Kismaayo.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi M Warsame “”Deeq Faandhe”” ayaa waxuu ku eedeeyey Madaxwaynaha Jubbaland Axmed madoobe inuu ka masuul yahay Daagaalka Kismaayo duleedka kasocda sida Tuulada Dalsan waxuuna Marka Hore Tacsi u diray Dadkii kudhintay kuwa dhaawacana ilaahay waxuu uga baryey inuu caafimaad siiyo.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq Faandhe ayaa waxuu Sheegay in dagaalka kasocda Degaanka Laheley iyo Dalsan uu soo Abaabulay Axmed madoobe iyo koox ganacsato ah oo doonaya inay Mashaariic Guryo iyo dhismayaal kale ka hirgaliyaan deegaanka laysku dagaalayo, waxaa kaloo sheegay Musharax Madaxwaynaha Jubbaland inay ku dhinteen dagaalka dad aan kamid ahayn labada beelood ee isku dagaalaya Degaankaas kuwaas oo kamid ahaa Ilaalada Axmed madoobe.

Ugu dambayntii Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe ayaa waxuu ugu baaqay beelaha Ku dagaalamaya Deegaanka Dalsan iyo Laheley inay joojiyaanka Dagaalka oo qiyaamada axmed madoobe iyo kooxdiisa meel uga soo wada Jeestaan, waxaa kaloo ugu baaqay shacabka Jubbaland iyo ummada Soomaliyeed inay ka qayb qaataan sidii dagaalka Lagu joojin lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.