Daawo:Wasiirka Socdaal Canada oo ka hadlay Xiriirka soomaliya iyo Canada iyo Baaq loo diray dowlada Soomaliya

axmed

Maanta ayey ahayd Markii waraaq kasoo baxday wasarada arimha dibada Soomaaliya oo looga hadlaayey Xirirka sii xumaanaya Canada iyo Sacuudiga taas oo u qornayd sidaan “””Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xiriirka Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada.
Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.

Hadaba Musharaxa Madaxwaynaha Juubaland ayaa waxuu dowlada Soomaaliya kasocday in waraaqadas kasoo baxaday wasarada Arrimaha dibada dib loo saxo raali galina laga siiyo Canada , xirika Canada iyo Sacuudiga ee sii xumaanaya dhexdhexaad laga noqdo Madaama Canada ay kunool yihiin soomali badan waana dalka labada deeqaha lagu hormarinaayo soomaliya bixiya.

Hoos kadaawo Wasiirka Socdaal iyo jinsiyada Canada Axmed Xuseen iyo Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.