Maareeye kuxigeenkii Shirkada Isgaarsiinta Golis oo Boosaaso Caawa lagu diley

golis

Magaalada Boosaas ee Xarunta Ganacsiga MaamulGoboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa Caawa waxaa lagu dilay masuul sarre oo katirsan Shirka Isgaarsiinta Golis, ninkaan aldilay ayaa lagu magacaabaa Cabdulaahi Cali Cumar waxuuna ahaa mareeye Kuxigeenkii Shirka Isgaarsiinta Golis.

Wararka ayaa sheegaya in koox hubaysan ay meel aan ka fogayn xarunta shirkada Galis ee Magalada Boosaaso ku dileen kadiban ay goobta ka Baxsadeen, Laamaha Amaanka magalda Boosaaso ayaa soo gaaray Goobta lagu dilay Allaha unaxariisto Maareeye kuxigeenka Shirka Golis,

Magaalada Boosaaso ayaa marar badan waxaa ka dhacay Dilal oo qorshaysan kuwaas oo lagu bartilmaamaysanayo masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo Dad magac ku leh Bulshada Dhexdeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.