Axmed Madoobe ma qabqable dagaal baa mise waa masuul dawladeed? W/Q Jimcaale

axmedmadoobe

Jubaland waxay ka kooban tahay seddex gobol oo waaweyn kana mid ah kuwa dalka ugu barwaaqada badan dhan kasta marka laga eego bada,beeraha,xoolaha iyo khayraadka laga helo ee jiifa ubucda hoose ee dhulka,Ayaan daro dadka meeshaas ku nool ww kuwa manta ugu saboolsan shacbiga Soomaaliyeed.hadaba maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe intee le,eg tahay ka warqabka dadka meeshaas ku nool oo uu sheegtaa in uu masuul ka yahay xilkana asaga isku magacaabay, asaga oo ka helaaya gacan shisheeye asaga dana gaar ah kalahaa ilaa haddana Kismaanyo gudaheeda ku ilaashada,bal aan taariikhda dib u milicsano annaga oo soo qaadanayna qodaba hoose:-
1-Axmed wuxuu ahaa gacan yara hii Skeekh Xassan Turki ee wax ka aas aasay Kooxdiimeedkii Raaskambooni kana tirsanayd AL ITIXAAD.
2-Waxay la midoobeen Xassan Daahir oo Xisbul Islaam Hogaaminaayey iyo maxaakiimtii.
3-Waxay ku soo duuleen maamulkii Dooxada Juba ee Joogay Kismaanyo ayyada oo Axmed Madoobe kooxda uu la socday ka filaayey in loo magacaabo gudoomiyaha Gobolka Jubada hoose,balse ku hungoobay markii maamulkii islaamic sheeganaayey ka saaray kismaanyo mamulkii Dooxada Juba.
4-Waxaa xusid mudan intii ay la dagaalamayeen maamulkakii Dooxada Juba in Dhaawac afar nin ahaa oo Isbitaalka Bu,aale yaalay goor habaynimaa Axmed Madoobe kala baxay isbitaalka kuna dilay isbitaalka dibadiisa,waa danbiile dagaal oo waajibaad ka saranyahay
dawlada Soomaliya,Igad.Qaramada midoobay iyo beesha caalamka in Axmed Madoobe lagu maxkamadeeyo.
5-Axmed madoobe ayaa kooxdiimeedkiisa la dagaalamay markii uu ka waayey xilkii gudoomiyaha Gobolka Jubadahoose,waana laga itaalroonaaday assaga oo ula qaxay koxdiisii dalka Kenya.
6-Dan keenya lahayd iyo tii Axmed Madoobe ayaa iswaafaqay waxayna tala ku soo ururtay in Axmed Madoobe lagu keeno Kismaanyo taangiyada Keenya ayyada oo lagu marmarsiiyooday in Al Shabaab laga saaraayo,dhacday ilaa maantana dana shisheeye iyo kuwa Axmed madoobe baa lagu ilaaliyaa Kismaanyo ayyada oo aan laga warqabin Jubalaand inteeda kale.
7-Gaboodfal foolxun oo ilaa maalintii Axmed Madoobe yimid kismaanyo si joogtaa uga socda baa dawlada Soomaaliyeed Igad iyo beesha caalamku indhaha ka qarsanayaan kaas oo ka socda kismaanyo oo ay ka mid ahaayeen,xasuuq dad shacab ah,haween uur leh oo guryaha lagala baxay oo bada lagu dilay,odaydhaqameedyo la masaafuriyey,
wariyayaal xarig,masaafurin iyo jirdil loo geystay,masuuliintii uu xilka u dhiibay sida baarlamaanka ,wasiirada,ku xiogeenadiisa madaxda kale wax hab sharciya ku yimid ma jiraan assaga ayaa magacaabay midkii haddal ku qabtana waa dil xarig ama masaafurin,xitaa dastuurka meesha yaala asaga ayaa samaystay.
8-Axmed Madoobe magaalada Kismaanyo wuxuu ka ilaaliyaa hay,adaha dawlada Federaalka ah si aan loo ogaan foolxumada meesha taala,waxaana marag ma doonta ah inta saraakiil laga soo masaafuriyey ama la yiri ma ka degi kartaan Garoonka diyaaradaha oo uu u danbeeyey Generaal Cali Bogmadoow taliyaha qaybta 43aad ee XDS.
Isku soo wada duub sow arintu uma eka (DIBIGA GAWRAC WEYSHU HA KU QUUSATEE).Dadka Jubalaand ee dhawrka millyan ah sow xabsi weyn oo afka ka furan kuma jiraan?Jawaabtu waa ahaah,sidaas awgeed shacbiga Jubalaand oo isku duuban waxan leeyahay duli intaas ka badan ha qaadanina oo shaqo ka bilaaba min Badhaadhe ilaa Dolow in aad ka samaysaan Banaanbax aad u mideysan tihiin(NIN AAMUSAN HOOYADIISNA QADISAY),qadiyadiina haddad ka aamustaan oo qabyaalad laydinku SE5055: Communicating in Multi-lingual Contexts
DFS waxaan ku leeyahay waxaa laydiin doortay tanta guud inta dana gaara la ilaalinaayo ha dhuminina tan guud dhibaatada Jubalaand ka jirta aduunka iyo aakhiro midna ku baxsan maysaan Alle iyo shacabkuba waa idin taageerayaan ee Axmed Madoobe ha ku fiirsanina dhawrka milliyan shacbiga ah oo uu duleysanaayo.Kismaanyo maamul kama jiro oo baarlamaankii kan ka horeeyey baa go,aamiyey waxbedelay ilaa hadda ma garanaayo,baarlamaanka,aqalka sare,iyo xukuumada nina masuuliyadaas Ebbe ku cafin maayo
Qore,
ABDULLAAHI JIMCAALE FARAX.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.