Sawiro:Taliyaha Ciidank qeybta 43aad sareeye Guuto Cali (Bogmadow) ayaa manta si rasmi ah ula wareegey Xilkiisa

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka qeybta 43aad Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) ayaa manta si rasmi ah ula wareegey xilka taliyinimada Ciidanka Xooga Dalka Soomaliya, munaasabadaan ayaa lagu qabtey Taliska Ciidanka Xooga dalka Soomaliya magaalo madaxda Gobolka Gedo ee Garbahaareey.

Taliye Cali Bogmadow oo la dardaarmay Ciidanka Xooga Dalkaee kusugan Gobolka Gedo ayuu faray in ay u diyaar garoobaan xoreynta Gobolka Jubbdda Dhexe iyo degmooyinka ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose ee Wali ku jira gacanta alshabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa Ciidanka Xooga Dalka u hoosta ka xariiqey in aysan sii jiri doonin ciidan xeryaha iska jooga waajibna ay tahay in Dalka la xoreeyo oo ciidanka ay qadaan howlgal balaaran oo lagu sifiinaayo kooxaha nabad diidka ah ee Ku sugan qeybo ka mid ah dalka Soomaliya gaar ahan Jubbaland.

ciidan
ciidan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.