Daawo:Madaxwaynaha Soomaliya ayaa xafiiskisa ku qaabilay Axmed Burhaan oo Tarnka quraanka ku guulaystay

farmaajo

Axmed Burhaan Maxamed oo martiqaad ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo keddib markii uu ku guuleystay Tartanka Qur’aanka ee Dubai ayaa xalay kula kulmay Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaaka Soomaaliya iyada oo xoojineysa Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ay qabanqaabin doonto sanad walba tartan Qur’aan oo ay ka qeyb gali karaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadda.
Kulankan waxaa ku wehliyay Aabe Burhaan Maxamed, Macalin Cabdinaasir Maxamuud Faarax oo ah macallinkiisa Qur’aanka Kariimka iyo Sh. Maxamed Cabdullaahi oo ka tirsan madaxda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.