Sawiro+Video:Kulan looga hadlayey ka faa’iideysiga Kheyraadka dalka oo Muqdisho lagu qabtay

hilaal

Kulan looga hadlyay ka faa’iideysiga kheyraadka dalka sida shidaalka iyo macdanta, ayaa maanta lagu qabtay Magaaladda Muqdisho, waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka ,Wasiir ku xiggeenka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya iyo Wafdi ka socday Dowladda Norway.

Kulanka oo ku saabsanaa boggaadin ay wafdi ka socda Norway u wadeen Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo ahayd wajiga labaad ee qorshaha diyaarinta kharyaadka shdiaalka iyo Macdanta ay u gudubtay wasaarada ayaa siinayo dalka awoodo qeexeysa taageerada caalamiga ah.

Madaxda Wasaaradda, ayaa kaga mahad celiyay dowladda Norway boggaadinteeda iyo taageerada ay u muujinayso Soomaaliya, Waxaana dowladda Norway ay sheegeen in ay diyaar u yahiin in caawinaad wanaagsan ay la garab istaagayaan Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulqaadir Hilaal, ayaa kulanka ka dib u sharaxay warbaahinta Qaranka , ayaa sheegay in ka faa’iideysiga Kheyraadka dalka ahmiyad ballaaran ay u leedahay dalka.

“Waxaan u gudubnay wajiga labaad ee qorsheynta ka faa’iideysiga khayraadka, taasoo ahmiyad wayn u leh dalka, waxaan wadnaa diyaarinta istaraatiijiyada wajigan cusub si loogaaro ka faa”iideysiga kharyaadka dalka” ayuu yiri Mudane Maxamuud Cabdulqaadir Hilaal.
Xigasho SONNA

wbatrool

wasiir

wasiir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.