JAJ waxay camaareyneysa shirqoolka lala beegsaday nolosha Wariye Yaxye Soofe.

yaxye

Ururka Suxufiyiinta Jubaland wuxuu si xoogan u camaareynayaa iskuday dil ah ee lala eegtay Wariye Yaxye Soofe oo Tafaftiraha Idaacda Markabley iyo Wakiilka Telefishinka RTN ee Degmada Baardheere ee Gobalka Gedo, Jubaland Soomaaliya.
Weerarka oo dhacay Talaadadii 10 Luuliyo 2018 abaarihii (11:00 Am) barqanimo saacadda geeska Afrika ayaa u muuqday mid qorsheysan oo la doonayey in Wariyaha lagu khaarajiyo waxaana geystay askari ka tirsan Ciidamada Biliiska ee Degmada Baardheer. Suxufiyiinta la socotey ayaa sheegay in dhowr mar oo hore uu Wariye Yaxye Soofe hanjabaad dil ah kala kulmay Asriga falka geystey.
“Waan argagaxay mana garaneyn sababta la ii bartilmaamsaday, waxaan arkay Askari dhaaranaya oo xageyga qoriga la soo aaday ka dibna rasaas ooda iiga qaaday” Ayuu yiri Wariye Yaxye Soofe oo ka sheekeyney qaabkii uu falku u dhacay, wuxuu hadalkiisa sii raaciyey “Waxaan xasuustaa hadda ka hor askarigaas in ku hanjabey in uu I dili doono”.
Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigey askarigii falka geystay sida uu noo xaqiijiyey maamulka Degmada Baardheere. Waxayna baaris kuwada sababtii ka danbeysay weerarka lagu qaaday Wariye Yaxye Soofe.
Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Jubaland ayaa wax la bogaadiyo ku tilmaamay in gacanta lagu hayo danbiilihii ka danbeeyey weerarkii lagu qaaday Wariye Yahye Soofe oo naxdin iyo Walbahaar ku abuurtay bahda saxaafada Jubaland.
“Waa arin bogaadin leh in gacanta lagu hayo, askarigii ka danbeeyey isku daygii dil lee lala eegtay Wariye Yaxye Soofe, waan ku amaaneynaa arinkaas ciidamada amaanka Jubaland” Ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Qaasim Cali Waxar. Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Jubaland oo ka digey arinta in lagu dhameeyo xeer jabab iyo wax sharciga ka baxsan.

http://jaj.org.so/so/ururka-suxufiyiinta-jubaland-wuxuu-cambaareynayaa-iskudaygii-dil-ee-lala-eegtay-tafatiraha-raadiaya-markabley/

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.