Wasiirka cadaaladda Somaliya ayaa xariga ka jaray xafiiska xalinta khilaafaadka degmada Hodon

wasiir

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa laga hirgeliyay degmada Hodan ee Gobolka Banaadir xafiiska xalinta Khilaafaadka si ay bulshada u helaan adeeg Garsoor oo dhammeystiran.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xafiiskan xalinta Khilaafaadka uu wax badan ka tari doono baahiyaha dhanka garsoor ay qabaan Bulshada degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xafiiska xalinta Khilaafaadka ay garsiin doonaan dhammaan degmooyinka iyo Gobollada dalka si bulshada Soomaaliyeed ay u helaan dhammaan Adeeg garsoor oo dhammeystiran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.