Madaxwayne Farmaajo iyo Xasan Shiiq oo isla qaatay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii Hore

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ku sugan caasimadda dalka Turkiga ee Ankara ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Soomaliya iyo Madaxwaynihii hore Xasan shiiq ayaa waxay kawada Hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Dalka Soomaliya iyo horumarka, fursaddaha iyo caqabaddaha horyaalla dalkeenna, iyakoo oo isla qaatay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta madaxda haatan iyo kuwii hore ee dalka si loo xaqiijiyo mustaqbal barwaaqo u horseeda dadkeenna.

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalka Turkiga qeyb galay munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan.

Madaxwaynaha Soomaliya ayaa qoraalkaas kore kusoo qoray bartiisa Twitterka
farmaajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.