Dhagesyo:Maamulka Gobolka Banaadir oo Furay Xafiis Qaabilsan Canshuurta Shirkadaha Xalane

banaadir

Maamulka gobolka Benaadir oo mudooyinkii dambe xooga saareyay sidii bulshada caasimadda kunool ay u heli lahaayeen adeegyada ay dowlada hoose bixiso iyagoo jooga degmooyinkooda ayaa maanta garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxa uu ka hirgaliyay xarunta adeegyada dowlada hoose, waxaana si wadajir ah xariga uga jaray wasiir kuxigeenka Maaliyadda ee xukuumada Soomaaliya iyo gudoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir.
Xafiiskan ayaa bixin doono afar adeeg oo muhiim ah kuwaasi oo kala ah Shatiyada Ganacsiga, Diiwaangalinta shirkadaha iyo NGO-yada. Faya dhowrka garoonka diyaaradaha,Buugga Caafimaadka.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Benaadir mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) ayaa ka sheegay munaasabadda furiteenka in ahmiyad gaar ah ay u leedahay ka maamul ahaan in ay bulshadooda u dejiyaan hoos adeegyada uu bixiyo Maamulka Dowladda-Hoose.
Wasiir kuxigeenka wasaarada maaliyadda dowlada Soomaaliya mudane Cabdullaahi Shiikh Cali Qaloocow ayaa tilmaamay in wasaaradda ay la shaqeyn doonto dowladda hoose si loo horumariyo adeegyada aas aasiga ah.
Intaasi kadib ayaa guddoomiye Tuulax waxa uu madaxa xafiiska la hir geliyay ku wareejiyay gaadiid gaar ah oo loogu talagalay in lagu fuliyo adeegyada ay dowlada hoose ee Xamar ka bixin doonto garoonka Aadan Cade.

Hoos kadhageyso warbixinta warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.