Akhriso:Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Oo Shaqada Laga Joojiyey arimo laxariira Hajka

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa Shaqa joojin loogu sameeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle(Yuusuf Jaale)
Wareegtada ayaa waxaa la ogeysiiyey ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda,Wasiiru dowlaha Wasaaradda iyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in Shaqa joojin lagu sameeyey Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada.

Sidoo kale waxaa loo cugsaday Shaqa joojintaas,in ay muhiim noqotay in la dardar geliyo shaqada Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada,iyo marxaladaha xasaasiga ah ee uu marayo dib ula soo wareegida Maamulka Hawada Soomaaliya, waxaa xilkii Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada si KMG ah loogu dhiibay in uu u sii hayo ku xigeenka Maareeyaha Mudane Axmed Macalin Xasan.

wasiir

wasiir

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.