Madaxda qaranka oo ka qayb Galay Aaskii Bishaaro Aadan Yuusuf

tacsi

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay, Bishaaro Aadan Yuusuf oo ah Hooyada dhashay Marwada dalka Saynab Cabdi Macalin, oo xannuun mudooyinkaan haayay maanta ugu geeriyootay magaalada Muqdisho.
Salaaddii Janaasadda ee lagu tukaday Marxuumadda ayaa waxaa ka qaybgalay, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Guddoomiye Kuxigeennada Golaha Shacabka, Raiisul Wasaraaha, Raiisul Wasaare Kuxigenka, Xubno ka tirsan Golayaasha Dowladda iyo Ehelada.
Madaxdaan ayaa uga tacsiyeeyay Geeridaan naxdinta leh dhammaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska ay ka baxday Marxuumad Bishaaro Aadan, iyagoo sidoo kale Alle uga baryay inuu Jannada Fardowso ka waraabiyo.
tacsi

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.