Ra’iisul Wasaare kheyre oo booqday dhaawacyada qaraxii ka dhacay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Xalay Isbitaallada Muqdisho ku booqday Dadkii ku dhaawacmay qarixii Shalay lala beegsaday Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo Amniga.
Ra’iisul wasaaraha oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale Tacsi u diray eheladda Dadkii ku Naf-waayay qaraxaas ay arxanlaawayaashu u qorsheeyeen inay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisulwasaare Kheyre ayaa sheegay in dhaawacyada aan Dalka waxba lagaga qaban karin ay Dowladdu u qaadayso Dalka dibeddiisa, Wuxuuna ugu dambayn Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay Shacabka Soomliyeed in ciidamada ay ku garab siiyaan dagaalka Dalka looga saarayo kooxda nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.