Ciidamada amniga oo soo afjarey weerarkii argagixisada kuqaadeen Muqdisho soona bad baadiyey dad

ciidamada ammaanka ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo afjaraan weerarkii argagixisada Al-Shabaab ay ku qaadeen xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha,taasi oo ku taala meel u dhow isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa soo bad baadiyay dad ku sugnaa goobtaasi markii uu weerarka argagixisanimo uu dhacayay,haatan xaaladda ayaa ku soo noqotay caadi, waxaana soconaya gurmad loo fidinayo dadkii waxyeeladu soo gaartay.
Waxaa jira qasaare dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray dad shacab ah, ilaa 5 qof ayaa ku geeriyootay weerarkaas sida wararka sheegayaan dadkii ku dhaawacmay weerarkaasna lagu dabiibayo xarumaha caafimaad ee Magaalada Muqdisho kooxdii weerarka gaystayna halkaas ayaa lagu dilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.