Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa manta boqosho ugu tagey Ciidamada Guutada 14-ka October

Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta tababar usoo xiray Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka ee saldhiggoodu yahay xerada ciidanka General Goordan ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dal kasta oo burbur kasoo kabsanaya ay ciidankiisu yihiin kuwa bad-baadiya naftoodana u hura.
Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada difaaca iyo amniga, abaanduulaha Ciidanka iyo saraakiil kale oo ka tirsan CXD ayaa kahor inta uusan ciidanka tababarka usoo xirin waxa uu kormeer ku sameeyay xarunta ciidanka isla markaana la qadeeyay ciidanka, isagoona xog warastay qaar kamid ah askarta si uu wax badan uga ogaado noloshooda, tababarkii ay soo qaateen iyo sida ay heeganka ugu yihiin difaaca dalka iyo la dagaalanka kooxaha nabad diidka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.