Safiirka Turkiga ayaa Gudoomiye Yariisow uga Mahad Celiyay xafladdii uu u qabtay Shaqaalaha Dalka Turkig

yariisow

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho, Cabdi Raxmaan Cumar Cusman (Enj Yariisow) ayaa Saakay oo Khamiis ah Xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Oglan Baker.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya uga Mahad Celinayay Maamulka Gobolka Banaadir xafladdii uu u qabtay Shaqaalaha Dalka Turkiga ee ka howl gala Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Safiirka ayaa wuxuu Maamulka Gobolka Banaadir uga mahad Celiyay Doorashadii uu ku guuleystay Madaxweynaha Dalka Turkiga iyo Taageeradii ay la garab taagnaayeen
Ugu danbeen Duqa Muqdisho ayaa kala hadlay Safiirka Turkiga in lasoo Celiyo Barnaamijyada Caafimaadka Waxbarashada iyo adeegyadii ay u qaban jireen walaalahood Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.