Khayre:Qabyaalada Qarimo aan ku badalno, Laaluushka iyo Musuq Masuuqana aan Daacadnimo ku badalno Fadhi kudirarkana aan shaqo ku badalno

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galay munaasabadda dib-u-howl gelinta machadka Isgaarsiinta Qaranka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la helo xirfadlayaal Soomaaliyeed oo ka qeyb qaata horumarka dalka iyo kobaca dhaqaalaha.
“Waxa aan rabnaa in aan la tartanno dunida, waxa aan rabnaa dalkeenna iyo dadkeenna in aan horumarinno. Waxa aan rabnaa in dhaqaalaha waddanka kobcinno. Dhaqaalaha wadankana lama kobcin karo hadii aan la helin dad xirfadlayaal ah. Maadaama aan rabno in aan dhaqaalaha wadanka kobcinno, qof waliba oo Soomaali ah uu isku filnaado, noloshiisu ay wanaagsanaato si dalka iyo dowladnimada uu u jeclaado una difaaco waxaa loo baahanyahay in dadku xirfad yeeshaan”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaraha ayaa aad ugu celceliyay in ay Muhiim tahay in la bedelo dhaqankii hore ee ahaa nin jecleysiga, qabyaaladda iyo musuq-maasuqa, laguna bedelo waxqabad iyo daacadnimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.