Sawiro:Hobyo Wasiirka Dekadaha soomaliya oo Waheliyaan wafti ka socda dekadaha Qatar ayaa gaaray

hobyo

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya Marwo; Maryan Aweys Jaamac iyo wafdi ballaaran oo ay hoggaamineyso ayaa Maanta gaaray Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.
Wafdigan oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka socota Wasaaradda Dekedaha ee Dalka Qadar ayaa waxaa Magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamul Goboleedka Galmudug Soomaaliya iyo Bulshada halkaasi ku dhaqan.

Wafdigan ka socda Dowladda Qadar ee Shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayuu ujeedkiisu yahay sidii ay qiimayn ugu sameeyn lahaayeen qaar ka mid ah Dekedaha Dalka, taasoo qayb ka ah heshiis dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar, ka dib booqashadii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Maxamed C/llaahi farmaajo uu ku tegey dhawaan Magaalada Doxa ee Caasiamadda Qadar.
hobto

hobyo

hobyo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.