Daawo:Ra’iisul wasaaraha Khayre oo kulan amniga looga hadlayo la qaatay Hay’adaha Amniga

Ra’iisul Waasaaraha xukumadda federaaLka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la qaatay Kulan hay’addaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, Kulankaan oo ka qabsoomay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa lagu soo bandhigay guulihi ay ku najaxeen shacabka Soomaaliyeed ee xagga amniga ahaa oo ay soo hoyeen hay’addaha amniga bilooyinka lasoo dhaafay, kana mid ahayd bishii barakaysneyd ee Ramadan iyo dajinta qorshaha Labaad ee bilooyinka soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre oo shirka ka hadlay ayaa xusay in hay’addaha amniga dalku ay shaqo wanaagsan qabteen oo mudan in loogu Hambalyeeyo , loogana bahan yahay in Muqdisho ay noqoto maagalo Nabdoon, islamarkaana Ciidanka Booliska ay la wareegaan Amaanka guud ee Caasimadda , si ay ula jaan qaado Magaalooyinka ku horumaray xagga amniga iyo xasiloonida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.