Daawo:Jubbaland ayaa Si Kulul U Ee daysay Taliska Ciidanka Xooga Dalka Somaaliyeed

madoobe

Dhawaan Bay ahayd Markii wafti balaraan oo u hogaaminaayo Taliyaha Cidaanka Xooga dalka Soomaliya Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ay booqasho ku tageen Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka ah Jubbaland waxayna booqdeen Xerada cusub ee Ciidmada Xooga dalka Soomaliyeed ay kasameysteen deegaanka Baarsanguuni.

Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Soomaliya ayaa waxaa Ciidamada kusugnaa Baarsan guuni u sheegay inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhana Alshabab mana dhici doonto ciidan iska fadhiya Magaalada kismaayo gudaheedaayuu yiri, waxaa kaloo sheegay Jeneraal Gorod in Jubbland hal ciidan kajiri karo ciidankaas oo noqonaya Ciidanka Xooga dalka Soomaliya.

Taliyaha ayaa ugu dambayntii waxuu kulan laqaatay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe isagoo usheegay in laysku furaayo wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Kismaayo Ciidamada kusugan Jubbalanda ay hoos imaanaya taliska Ciidanka Xooga dalka soomaliya.

Madaxwaynaha Jubbland ayaa waxuu ka horyimid in laysku furo wadada udhaxeysa Kismaayo iyo Muqdisho taas oo aan dan ugu jirin waxaana uu dacwo u gudbiyey Madaxwaynaha Soomaliya oo ah inaan Ciidamada kusugan Jubbaland aysan hoos imaan taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo inaan haboonayn in xiligaan Kismaayo iyo Muqdisho laysku Furo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.