Dhageyso:Qalbi dhagax oo sheegay inuu kusoo wajahan yahay Soomaliya kana Hadlay Xarigiisa

qalbidhagax

Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax ayaa waxa uu ka hadlay dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey in lagu wareejiyo dowladda Itoobiya, Qalbi Dhagax waxa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan Nabad-Sugida Galmudug ay ka qabteen Magalada Gaalkacyo, isla markaana mudo Saddex cisho ah uu ku xirnaa halkaas kadibna ay u soo wareejiyeen Nabadsugida Soomaliya waxaana laygu xiray Xabsiga Godka Jilacow ee Muqdisho.

Waxaa Kaloo sheegay Qlabi Dhagax in xarigiisa iyo in Itoobiya lagu wareejiyo uu u lahaa taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe mana aqaan in madaxda Dowlada Soomaliya ay la ogayd dhiibistayda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.