Akhriso:Gudoomiyihii Degmada Baardheere oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Axmed madoobe ayaa xilka laga qaaday

BBARDHEERE

Gudoomiyihii Degmada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow ayaa waxaa laga qaaday Xilka kadib markii weearar afka ah ku qaaday Madaxwaynaha Jubbaland, waxaana uu ku eedeeyey inuu Axmd madoobe dhunsaday Deeqihii loogu talagalay Gurmada Fataahada Wabiga Jubba Taas oo ka timid dowlada Federaalka ah ee Soomaliya.

Gudoomiye Cadow ayaa waxaa kaloo Axmed Madoobe ku eedeeyey inuu dilal joogta ah u gaysto shacabka Jubbaland qaarna ka masaa furiyey Magaalada Kismaayo loona baahan yahay dagaal ka dhan ah Axmed mdoobe in lagu qaado si xornimo u helaan Shacabka Jubbaland gaar ahan kuwa Kismaayo kusugan.

Waxaa Gudoomiyaha cusub ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo loo magacaabay Ismaaciil Shiiq Cabdi Qorax

xilka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.