Sawiro:Shacabka Muqdisho Iyo Madaxda Soomaliyeed ayaa Si ka duwan Sanadihii hore ugu dabaal dagay Munaasabada 1-da Luulyo

farmajo

Maantana ay ku beegantahay 1-da Luulyo oo ah maalintii gobolada Koonfureed ay qaateen xoriyadda ayna midoobeen Waqooyi iyo Koonfur ayaa waxaa amaanka magaalada Muqdisho loo adkeeyey si wanaasgan.

Wadooyinka ayaa lagu arkayaa ciidamada amniga qeybohoodi kaladuwan taasi oo qeyb ka ah dabaaldega farxadda xoriyadda, iyadoo taasi ay jirto ayaa dhanka kale Dowladda soomaaliya waxaa ay Shacabka Magalada muqdisho u diyaarisay gaadiid waaweyn o Basas ah kuwaasi oo loogu talagalay in lagu daabulo dadweynaha ka qeybqaadanaya dabaal dega iyo kuwa kale oo doonayaa in ay isaga kalagooshaan gudaha Magaalada maadaama waddooyinku ay xiran yihiiin inta uu dabaal dega socdo.

Goobaha basaska dadweynaha ka soo qaadayaan ayaa waxaa ka mid ah Ex Koontarool Afgooye illaa Sayidka, Tarbuunka illaa sanca, sidoo kale dadweynaha ka qeyb qaadanaya dabaal degga 1-da Luulyo ayay Basaska ka soo qaadayaan daljirka dahsoon, iyagoo geynaya Garoonka kubadda Cagta Koonis, sidoo kale basaska ayaa ka shaqeynaya xaafado kale.

Garoonka Koonis oo munaasabada ay ka dhaceyso ayaa waxa isugu yimid Kumanaan Ruux oo ka kala yimid Xaafadaha Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kudhow waxaa kaloo Garoonka ku sugan Madaxda Dowlada Soomalioya ugu sareeyo iyo Martisharaf ka timid Dalka Jabuuti iyo safiiro.

Munaasabadaan ayaa waxay aad uga Duwan tahay kuwa Kale haday tahay sida loo qaban qaabiyey iyo sugida amniga Magaalada Muqdisho waxaana horay u jirin Gadiid waa wayn dadwayanaha lagu daabulo.
bius

farmajo

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.