Dhageyso:Qalbidhagax oo markii ugu horaysay hadlay tan iyo markii la soo daayey

qalbidhagax

Cabdi Kariim Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Madaxda Jamhada ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya,isla markaana lagu wareejiyey dalka Itoobiya ayaa ka hadlay kadib siideyntiisii.

Qalbi-dhagax oo ku sugan Magaalada Adis ababa ayaa u mahad celiyey Shacabka soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo ka dhiidhiyey falkii Itoobiya loogu soo wareejiyey oo ay Shaqsiyaad yar ay geysteen sida uu sheegay.

Qalbi dhagax ayaa ugu baaqay shacabka soomaaliyeed ay noqdaan dad mid ah oo ka soo horjeesta in la kala goo gooyo ama la kala qobqobo,si ay uga hortagaan shirqoolo lala damacsan yahay, ugu dambaytiina waxa uu baaq nabadeed u diray qowmiyada Oromada iyo Soomaalida ee marwalba ku dagaalama deegaanada dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.