Deg Deg Dhageyso: Guddomiyihii Degmada Baardheere oo Kubaaqay dagaal kadhana Axmed Madoobe

BBARDHEERE

Maamulka Axmed Madoobe ee ka taliya Magaalada Kismaayo taas oo shacabka Jubbaland ku hayo dhibaatooyin farabadan oo kamid yihiin Dil, dhac, Kufsi ,Masaafurin iyo boob hantida Shacabka Jubbaland ee ku nool kismaayo.

Axmed madoobe ayaa waxuu maalmihii dambe usoo tafaxaytay sidii uu u dhibaatayn lahaa Gobolka Gedo taas oo horay u dhacay lacagtii loogu talagay Gurmadka fatahaada Wabiga Jubba, Hadaba Gudoomiyaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Cabdulaahi Nuur Xasan ayaa munaasbadii 1da Luulyo oo lagu qabtay Degmada Baardheere waxuu kaga hadlay dadkii Soomaliyeed ee usoo halgamay xorimada soomaliya iyo kuwii naftooda ku waayey dagaalkii Alshabab looga saaraayey Gobolka Gedo.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere ayaa waxuu ka hadlay Dhibka iyo Booka Axmed madoobe ku hayo shacabka Jubbaland taas oo caado ka dhigtay boobka Deeqaha loogu talagalay Gobolka Gedo tii udambaysana ahayd lacagtii dowlada soomaliya ugu deeqday Jubbland si wax loogu qabto dadkii ay saameysay Fataahada Wabiyada taas oo Axmed madoobe Dhunsaday.

ugu dambayntii Gudoomiyaha Ayaa Cilaanshay dagaal Axmed Madoobe looga xoraynayo Jubbaland madaama uu carqalad ku yahay horumarka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.